Xamze Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha xukuumadda daba-dhilifka ah ee Soomaaliya ayaa goob fagaare ah ka sheegay in dowladda Imaaraatka ay noqotay buqcad lagasoo abaabulo mucaaradka diiddan Xasan Sheekh islamarkaana arrinku uu hadda ka gudbay taageero siyaasadeed uuna isku bedelay dhismaha jabhado hubeysan kuwaas oo doonaya in ay xukunka xoog kula wareegaan.
Madaxa xukuumaddu eedeymaha culus ee loo jeediyay dowladda Imaaraat-ka wuxuu lameel dhigay wax lamid ah colaadda Suudaan.
"Waa ogtihiin in mucaaradkii oo dhan la ururiyey, Dubay la geeyo, la yiri qori ma heli kartaa, dagaal ma ridi kartaa, kadib kii ogolaada ayay lacag ku daldalayaan. Suudaan saddex saacadood ayay ku dileen lix kun oo qof, sidaas darteed maanta innaga iyagaa lacagta bixiya, rasaasta bixiya Drone-ta soo gada” Ayuu yiri Xamse.
Khilaafka udhaxeeya kooxda Villa Soomaaliya iyo dowladda Imaaraatka Carabta ayaa meeshii ugu sarraysay gaaray, halka dhinaca kale dowladda dabadhilifka Turkiga ay sare usii qaadday duullaanka ay kusoo qaadday dalka Soomaaliya waxaana lagu wareejiyay dhulka qabuurihii iskoola boliisiyo.
